YOOL DEJINTA


"KA XISHOO INAAD DHIMATO ILAA AAD KU GUULAYSATO YOOL AAD DEJISTAY"!.

Waa xirfad in la naqshadeeyo mustaqbal ku gaar ah. Noolosha ugu wanagsan ee la nooladana waa nolol qabaysan balse waxaa farxad ah in aad bilaabi karto in aad noloshaada u dejiso naqshadeynta iyo midabaynta ujeedoyinkaga nololeed.

Haddaba sii aan kula wadago xirfada Yool dejinta ama naqshadaynta mustaqbal kaga  waxaan u bahanay inaan  inaan isticmaalo  qodobadan .

Male-awaalka

Dejinta yoolku  waxaa ay ku kugu deeqaysa fursad aad khibrad ku yeelato  Haddaba awooda male-awaalku waa meesha ay dhamman qiyamada la taban karo iyo kuwa aan la taban karin ay ka bilowdan .Marka waxaad u bahantahay inaad istcmasho ilahan male-awaalka ee dejinta yoolka wana ka fikirka mustaqbalka  oo ka biloow bari iyo manta inteda kale adigo sido kale ka fikiraya inta ka hadhay sannadka ama shanta sano ee soo socota adigo u istcmalaya rajada mustabalka maxa surto gaal noqon kara! .

Haddaba inta aynan si dhab ah u gudo gelin waxaan raba in aan si dulmar ah shan shay oo asaasi ah ina wada sameyna aan isla egno. 

◇ Deegaanka:- Deegaanku waa qabeeyaha ruux iyo jidh ahaanba wana sameeyaha ogu badan ee nolosheena raad ku yeesha 

◇ Dhacdooyinka:- dhacdooyinku wa ina sameyan qaar yar qaar weyn kuwo shakhsi iyo qaraanba  ka feker dhacdo walbo ama  muhiimad calami ah leh dhacdooyinka noocan ah aya ina wada sameya.

◇Aqoonta:- waxaa ina sameeya wax kasta oo aan naqano ama aynaan garanaynin balse garasho la’antu (jahilnimadu) ma ah farxad ee waa masiibo cimrigaaga soo gabin karta dhammanteena way ina sameeysa aqoontu hadaan ognahay iyo haddii kale ba.

◇ Natiijooyinka:- Natiijooyinku waa ina sameeyan haday tahay mid dhaqaale mid shakhsi ama kuwo bulsheed ba.

◇ Riyooyinka:- Sido kale waxaa ina saameeya riyooyinkeena aragtiyaheena mustaqbalka halka ay dadka qaar riyooyinkoodu ay joogan dhacdo sameeyn ku yeelatay.Haa waa in aan xasuusana dhacdooyinka laso dhafay oo aan dib u eegno si ay faa’ido ugu yeelato malgashiga mustaqbalkeena. 

Haddaba sii aad naftada uga badbaadiso la noolansha wixii tagay waa in aad bilowda hadda naqshadeynta mustaqbalkaga si qaybta ugu weyn ee dareenkaga iyo diradaadaba aad ugu jeediso mustaqbalka  uguna fuliso yoolashada . 

Hadafku waa sida magnet oo sida ay ujeedadu u xoog badan tahay ee ay u weyn tahay gaar na u tahay ayu u xoog badan yahay . Hadafka fiican iyo riyooyinka sare  aya ku jidii doona maalmaha caqabadaha iyo wakhtiyada adag runti haddii adan lahayn hadaf iyo riyoo xoogan waxa kugu adkan doonta soo jidashada Rabitanadad iyo ka dhabaynta riyooyinkaga. Waa dareen aad u farxad badan awood u lehida dejinta yoolashadaas halkaana aad ka garan karto mustaqbalkaga. Sifada Yoolkagu waa in ay ku salaysnaato  dhandhaaradan.

•  Waa inay noqdaan kuwo ku dhiirigelinaya.

•  Waa inay ahaadaan kuwo la rumaysan karo.

•  Waa inay noqdaan yoolal aad ku dhaqmi karto.

Marka yoolalkaagu u ku dhiirigeliyaan, markaad rumaysato kuna dhaqanto waad rumayn  doontaan

QAYBAHA MUHIIMKA U AH YOOL DEJINTA.

Haddaba, aynu si qoto dheer u eegno mawduuca yool dejinta oo arag sida aan uga dhigi karno mid xoog badan oo la taaban karo. Waa maxay dhinacyada muhiimka ah ee ay tahay in aan barano oo aan xasuusano markaan baraneyno oo aan qorayno yoolalkeena? Waxaan aaminsanahay waa afar dhandhaar  oo muhiim ah:

1.  Qiimayn iyo Milicsi:- Sida kaliya ee aan si macquul ah u go'aansan karno waxa aan rabnoo mustaqbalka iyo sida aan halkaas ku gaadhi lahayn aynu marka hore ogaano halka aan hadda joogno iyo heerka qanacsanaanteenu ka joogaan nolosha hadeer.

2.  Riyooyin iyo Yoolal:- Maxay yihiin riyooyinka iyo yoolalkaagu? Aan la xidhiidhin wixii la soo dhaafay ama waxaad u malaynayso inaad heli karto!, laakiin waxa aad rabto ah. Weligaa ma fadhisatay, oo ma ka fikirtay noloshaada qiimahaga  mana go'aansatay waxa aad runtii rabto? 

3.  YOOL SMART AH:- Gaar ah, la qiyaasi karo, la heli karo, Xaqiiqo ah iyo Waqtiga xadiidan. 

4.  ISLA XISAABTAN:- Ka fakar ereyga xisaabtanka.

Haddaba, qiimee oo milicso. naqshade waxaad rabto oo smart ku hawlgali  islana  xisaabtan Markaad afartan qaybood ee muhiimka ah, isku wada xidho waxaad yeelanaysa kansho aad  uu gaadho yoolalka iyo nooca nolosha aad rabto.

Mid ka mid ah waxyaalaha uu RABBI swt inagu galaday ee la yaabka leh waa rabitaanka riyooyinka aan la damin karin. Ka fakar:- Waxaan si qoto dheer u eegi karnaa qalbiyadeena xaaladaha nafteena iyo tan Qoysaskeena, mustaqbal dhaqaale  oo sugan oo caafimaad qaba Xaalado shucuureed ama jireed, iyo nolosha ruuxiga ah. Laakiin maxaa tan ka dhigaya mid ka  badan awoodaha kale nala siiyay? Kaliya ma dabo galno riyooyinkeena laakiin waxaan leenahay  kartida ka dhabaynta.

MAXAY TAHAY RIYADAADU?

Haddaba sidee ku ogaan karnaa waxa ay riyooyinkeennu yihiin? Tani waa a geeddi-socod xiiso leh oo la xidhiidha fanka Dhagaysi. Ma aha dhegeysiga kuwa kale; waa dhegaysi naftaada. Haddii aan dhegaysano kuwa kale, waxaan maqalnaa qorshahooda iyo riyooyinkooda. Marna ma buuxin karno. Taa beddelkeeda, waa in aan dhegaysanno qalbiyadeenna si aan u maqalno riyooyin ka dhashay hamiga iyo rabitaanadeena  aamus oo dhegayso. Sida oo kale Markaad aamusto waxd maqlaysa qalbigaaga garaacisa laabtaada riyooyinku  waxay leeyihiin laxan u gaarka ah oo ka dhaca  gudahaaga. Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa aamus si aad u maqashid garaaca laxanka riyadaadu!. 

Ka fakar waxa aad NOQON lahayd mustaqbalka?, ka fikir waxyaalaha aad  SAMEEYN doonto? Maxaad jeclaan lahayd inaad HAYSATO madadaalo ama nolol? Maxaad jeclaan lahayd inaad hesho si aad u fuliso? Maxaad isku dayi lahayd haddii aad heesho dammanad guuleysasho? Maxaa fikrado qalbigaaga xamaasad iyo raynrayn galiya? ka jawaab su'aalahan, Waa marka kaliya ee aynu gaadhnay inaan la kulanto waxa riyooyinkeenu yihiin.

QOR LISTADA  RIYOOYINKAGA! 

Qor dhammaan riyooyinkagas si aad u kaydsato. Ogow oo Midna ha u malayn in ay  tahay mid aad u fool xun ama nacanimo ah - xusuusnow, waad riyoonaysaa une!.

Qor 30 yool oo aad rabto inaad manta ilaa shanta sano  ee soo socota aad xaqiijiso adiga oo ka dhaqaaqaya waxaa ay riyooyinkagu ku tusayaan. Nidaami oo u kala qor sii  habaysan adiga oo  u qaybinaya saddex koxood 1. Yoolasha Madiga ah  2. Yoola Dhaqaale 3.Iyo midka hormarinta Nafta.

HORUMARINTA-NAFTA | DHAQAALE |  MADI (LATABAN KARO)

1.     

2.     

3.     

4.

5.

6.

7.

8.

9.

10.

Haddaba  eeg liiskaaga oo mudnaanta sii riyooyinkaas. Kuwee ugu muhiimsan? Kuwee ugu badan macquulnimo ahaan? Kuweebaad jeceshahay inaad qabato? Udhig sida ay u kala horreeyaan xusuusnow oo had iyo jeer waxaan u soconaa dhanka ficilka, ma ahan oo kaliya riyoonaya. 

Xusuusnow: Kuwani waa riyooyinka iyo yoolalka ka dhasha qalbigaaga iyo maskaxdaada hadafyo adiga kuu gaar ah curashadoodi ilaa dhammadkooda haddaba markan inta oo riyo kaso dheegano dhagaysashada laxanada riyooyinkeena waxa aay tahay markan inaan is weydiino waa “SABAB!”?

Sabab bay xulashadad u soo galeen? Sabab bay muhiim kugu yihiin ? sababba se kugu dhiirigelinysa yoolkan? iyo Sababo kale oo badan. Sababeynta yoolashu waa ruuxda  ay ku nooladan yoolasha aad dejisatay wana dareen sidaha idiin dhexeya adiga iyo hadafkaga. Hadba inta ay  sababtadu xoogan tahay riyadaduna ay ku cadahay  nidaamka aad u maraysana u qabaysan yahay unba yoolkas midho dhalkisa la dhursuugi karaa!.

Hadda, dib ugu noqo ereyada sare oo  bilow inaad ka shaqeyso habka noloshaada. Caqabaddahana u ogolow inay yoolalkaga kugu xojiyaan. waan ogahay in aan samaynayo iyo in kale. 

HORUMAR IYO WAX QABAD MA JIRO HADDIi AAN NAF-HURID SAMEYN.

Comments

Popular Posts