Waa maxay sababta Khasaaruhu u yahay waxa ugu adag ee lagu la tacalo ganacsiga?



Waa maxay sababta Khasaaruhu u yahay waxa ugu adag ee laga sameeyo ganacsiga?

Qaadashada khasaare waa shaqada ugu adag adduunka!.
Khasaaruhu waa qayb ka mid ah ganacsiga, laakiin sidee ayaad dareemaysaa markaad la kulanto? Maxaad dareenta xasilonadad qofed se siday noqota?.

Dareenka lumitaanka ka dib waxay  kugu sii jiri karta daqiiqado, saacado, iyo mararka qaarkood maalmo sameyntiisu!. Qaadashada khasaare hubaal maaha mid xiiso leh sida inaad qaran kaga libin u soo hoyso. Laakiin haddii innagu, ganacsato ahaan, aan fahmi karno sababta ay aad ugu adag tahay in aan ku khasaarno xirfadeena halkii aan ku lumin lahayn xirfad kale - waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan fahamno oo aqbalno xaaladda si fudud.

Xirfadda ganacsiga waxaa inta badan la barbar dhigi' karaa ciyaaraha maadaama labaduba ay yihiin xirfado waxqabad. Marka laga soo tago waxyaabaha ay isku midka ka yihiin ee u dhexeeya ganacsiga iyo isboortiga xirfadleyda ah, waxaa jira hal farqi oo muhiim ah oo ka dhigaya ganacsiga mid aad u adag in la barto. Taasi waa qaybta khasaaraha!.

Dhanka ciyaaraha, guuldarada waxa si fiican u qeexdaa waqtiga, goobta, sharciga garsooraha, iyo xaqiiqda ah in qofka kaa soo horjeeda uu ciyaaray kalin ka fiican midada. Halkan waa masuuliyada ganacsadaha inuu aqbalo khasaaraha!

Fidrada aadamigu waa inuu dagaalamo. Dhammaanteen waxaan dooneynaa inaan ka mid ahaano dhanka guusha . lumintu waxa ay dhisata maskaxdeena si aan uga fakarno in aan sameyno wax walba oo awoodeena ah si aan u guuleysano dareenada.

Inaad go'aansato inaad isu dhiibto dareenkaaga maalin kasta ama laga yaabee dhowr jeer maalintii - taas oo lid ku ah dabeecadda ganacsiga waana sababta ay tani u adkaneyso in la kala ilaaliyo dareenka iyo ganacsiga. Waxaan sidoo kale aragnaa ganacsato badan oo ogolaan lahaa in khasaarahoodu kordho oo ay lumiyaan qaybo badan oo xisaabaadkooda ah. Si fudud la inoma qorsheynin in aan is dhiibno.

"Ogolaanshaha khasaraha ayaa ah midka ugu muhiimsan ee hal-abuurka malgashiga ah si loo xaqiijiyo badbadada rasumaalka"

-Gerald M. Loeb 

 Uhurida khasaaraha ganacsiga ee maalkeena!

Ciyaarta chessku waxay ina baraysaa in aan awoodno in aan naf-huritaan xeeladeed ku bixinno dagaalka si aan guulo u gaadhno. Waxaa laga yaabaa inaan u dhiibno boqoradda si aan u ilaalino boqorka ama aan u dagno (xeladayno) kan naga soo horjeeda si aan u guuleystano ciyaarta. Ganacsato ahaan, waxaan u ogolaanaa qaadashada khasaaraha inay qayb ka noqoto liminteena fog. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha khasaaruhu waa mid aan la taaban karin oo aan mugdi ku jirin. Tan waxaan ku aragnaa chess-ka, halkaas oo ciyaaryahanku uu garanayo tallabada la qadi karo xitaa ka dib  go'aansiga naf hurid!. 

Ganacsiga, ma jiro qof kaa soo horjeeda oo wax ku biirin kara go'aankaaga. Waxaad u shaqeysaa si madax-bannaan oo waxaad sidoo kale u qaadataa guulaha iyo guuldarraddaba si madax-bannaan sidoo kale.Ganacsigu 90% waa caqabado, halka 10% u yahay  raaxo Inkasta oo ganacsatadu ay leeyihiin  aqoon ay si fiican uga ganacsadaan, haddana mar haddii aad ganacsi ku jirto waxa aad u nuglaysaa dabinada suuqa, waxa kaliya ee aad samayn kartana waa - "xakameynta dareen-celintada".

Ganacsiga waxaa loo yaqaanaa inuu yahay mid liddi ku ah dareenka, markaa waxa laga yaaba inaad u malayso inay tahay wakhtiga saxda ah ee aad go'aan gadhi lahayd waxaa laga yaabaa inaysan sax ahayn. Marka ganacsatadu ay ku jiraan xaalad khasaare ah, waxay kaliya go'aansan karaan inay is-dhiibaan ama aysan is-dhiibin . Waa dookhooda in ay u adeegsadaan ka-hortaggooda si ay u qaataan khasaarahaas iyo in kale,  samaan iyo xumaanba.

Tani miyay ka dhib yar tahay ogaanshaha in kuwa kaa soo horjeeda ay kugu qasbi karaan ciyaarta waqti kasta? Jawaabtu waxay noqon kartaa.....! 

Dib u habeynta qaab fikirkaaga

Ma aha dhinaca kaliya ee gacan ka geysata dhibaatada baaxadda leh ee ganacsaduhu kala kulmaya khasaaraha, waana is-wacyigelinta iyo dhirigelinta ku timaada guusha ganacsiga. Marka ganacsatadu ay ku jiraan xaalad lumis, waxba kama qaban karaan. Inkasta oo khasaaraha uu qayb ka yahay ganacsiga, haddana waa in ay dib u habeeyaan fikirkooda iyo maskaxdooda si ay in badan diiradda u saaraan guushooda una yareeyaan khasaarahooda. Tani waa waxa ka dhigaya ganacsigu mid aad u adag si gaar ah.

"Khasaaruhu waa qayb ka mid ah ganacsiga"

Ma jeclin inaan khaladno! In la aqbalo in aan qaldanahay waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag in la sameeyo. Laakiin ganacsiga, aqbalida tan waxay kuu badbaadin doontaa kumanaan doolar, runtiina waa waxa ugu fiican ee aad naftaada iyo koontadadaba ganacsi ugu samayn karto.

Baro inaad aqbasho khasaaraha ganacsiga, wax ka baro, oo horay u soco....!

 Hadda'd halkan soo gadhay waxaan ku rajynaya inaad wax'un kaso faai'day qormadan aan kaga jawabayay suaashi ahayd  "Waa maxay sababta Khasaaruhu u yahay waxa ugu adag ee lagu la tacalo ganacsiga?" taso aan ugu soo bandhigay sida arragtidayda ahayd. Haddii aad wax suaal ah ka qabto qormada kor ku xusan iyo haddii aad haysaba suaal aad isledahay  waxaa haboonayd in ay noqoto mawduca xiga  nala soo wadag  ama qaybta falada ku reeb

Mahadsanidiin.

Comments

Popular Posts