Q1__Waa maxay Qorshaha Ganacsiga Sarifka calamiga ah?





Dhibaatada caadiga ah ee inta badan ganacsatada forex-ku ay la tacaalaan marka ugu horeysa ee ay bilaabayaan waa la'aanta qorshe ganacsi oo habboon.Ganacsatada intooda badani kuma mashquulaan qorshe ganacsi sababtoo ah waxay u maleynayaan in u yahay  wax aan muhiim sida u ahayn ama sameysankisu ay adag tahay . Si kastaba ha ahaatee, taasi waa meesha ay ku khaldan yihiin sababtoo ah wuu ka muhiim san yahay oo ka  sahlan yahay sida ay u malaynaan ina loo  dhisto qorshe ganacsi!.

Ma jiraan wax nolosha ah oo si fudud ku yimaada, ganacsiga forex-ku waa waa lamid . Haddii aadan lahayn qorshe ganacsi oo cad ama badhaxtiraan, ma gaari doontid natiijooyinka aad rabto. Sida Benjamin Franklin yiri: "Qorshe la'aantu waxa ay qorshaynaysaa fashil."

Muhiimadda qorshaha ganacsiga

Waxaa la hubaa in dad badani aanay rumaysnayn waxa uu Franklin yidhi, laakiin macno ayay u samaynaysaa, ganacsatada khibradda lehna way garwaaqsan yihiin tan. Ku quusidda ganacsiga sarifka ah iyada oo aan loo helin qorshe ganacsi oo cad waxay la mid tahay baaskiil la-wadayo isaga oo aan lahayn taayirradii. Ganacsato yar ayaa garwaaqsada muhiimada ay leedahay istaraatiijiyad si fiican loo qeexay lehna maraynta khatarta oo qoran ama qorshe ganacsi. Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada forex ee khibrada leh ee sida joogta ah u sameya lacag ayaa ah kuwa qorshe ganacsi oo dhankasta ka hufan ku hawlga .

Qorshaha ganacsiga waxaa loola jeedaa in lagu  dhaqmo xeerar iyo khidado sida xakamaha . Waxay kaa ilaalinaysaa heehabka  iyo inaad lumiso dhammaan lacagtaada. Dad badan ayaa u maleynaya inay yihiin ganacsato ka wanaagsan kuwa ay yihiin, iyo dareenkan beenta ah ee ka sarreeya barnaamijyadooda ganacsi. 

Haddii qorshahaaga ganacsi uu ka maqan yahay diyaargarow ama uu ku salaysan yahay farsamooyin khaldan, ma gaadhi doontid guul. Si kastaba ha ahaatee, waxa aad heli doontaa waa warbixin faahfaahsan oo ku jaantusaysa guul-darrooyinkaaga, waxaadna u isticmaali kartaa tan si aad u aqoonsato khaladaadkaaga oo aad u saxdo.

Abuur qorshe ganacsi oo faahfaahsan oo leh shuruudo gelitaan iyo ka bixitaan , xeerarka maaraynta khatarta, iyo  qiimaynta waxqabadka(journal).
Hayso joornaal ganacsi si aad u kaydiso ganacsiyadaada, shucuurtaada (laxaw), iyo fikradahaaga, kaa caawinaya inaad aqoonsato qaababka iyo meelaha aad ka hagaajin karto.

Ku celceli maskaxda iyo farsamooyinka nidaaminta shucuureed, sida fekerka ama aragga, si loo maareeyo walbahaarka iyo welwelka.
Deji yoolal dhab ah oo diiradda saar korriinka muddada dheer, halkii aad ka heli lahayd faa'iidooyinka muddada-gaaban.

Qorshaha ugu fiican ee ganacsigu waa mid isku dheelitiran caqli-galnimada, anshaxa, iyo adkeysiga shucuureed. qorshaha macquulka ah waxay u ogolaadaa ganacsatada inay si dhab ah u falanqeeyaan xogta suuqa oo ay sameeyaan go'aamo xog ogaal ah oo ku salaysan qorshahooda ganacsi. Anshaxa ayaa muhiim u ah ku dhegganaanshaha qorshaha iyo ilaalinta joogteynta, xitaa xilliyada adag. ku  dhegganaanta qorshahaga ganacsi waxay ka caawisaa ganacsatadu inay la qabsadaan walaaca, welwelka, iyo cabsida, taasoo u sahlaysa inay diirada saaraan ganacsiga.

Samaynta Qorshe Ganacsi! iyo waxay tahay in la tixgeliyo marka aad dhiseyso qorshe ganacsi qodobada ugu muhiimsan ee uu ku tagan yahay iyo xogo kalo badanba waxaan idiin kula wadagi doona qaybta labaad ................. 


Comments

Post a Comment

Popular Posts