WAA MAXAY LAMMAANAHA-LACAGTA! EE FOREX?
Marka lacagta qaraan ee laba dal la isku lammaaniyo, laguna kala iibsado suuqa sarifka lacagaha qalaad, waxaa loo naqaanaa inay yihiin lammanaha lacagta (currency pair).
Lacagta ugu horeysa ee qoraal ahaan labada lamaane waxaa lagu magacaba base currency (lacagta aasaasiga) ah, lacagta labaadna waa lacagta loo yaqano quote currency.
Tusaale ahaan, EUR/GBP - waxay ka kooban tahay lacagta aasaasiga BASE ah ta bidixda xaaladdan, (EURO) iyo mida kale'e QUOTE xigtana midigta ( pound British).
Dhammaan lamaanayaasha lacagta ee maanta jira waxaa loo kala saara saddex qaybood: lammaane waaweyn,(major pairs) lammaane yar (minor pairs)iyo lammaane exotic ka ah.
LAMMAANAHA LACAGAHA WAAWEYN (major pairs)
HaddiI an ku horeyno Lammaanaha waaweyn (major pairs) waa kuwa uu ka qaybta yahay dollarka Mareykanka haddii u yahay base
lacagta aasaasiga ah ama lacagta xigashada quote. Afarta lamaane ee ugu waaweyn ee pairs ka waa:
EUR/USD (Euro/US dollar)
USD/JPY (US dollar/ yen Japan)
GBP/USD (Boundka Ingiriiska/Dollarka Maraykanka)
USD/CHF (Dollarka Maraykanka/Faranka Swiss)
LAMMAANAHA LACAGAHA YAR YAR
Lammaanaha sarifka lacagaha yaryar ee ugu caansan ee la kala iibsado waa EUR/JPY, GBP/JPY, EUR/GBP, AUD/JPY, EUR/AUD iyo EUR/CHF.
Lammaanaha sarifka lacagaha yar yar sababta ka dhigtay kuwo yar ayaa ah mugga ganacsigooda maalinlaha ah wuu ka yar yahay lammaanaha waaweyn ee forex-ka. haddana taas oo la sheego, waxay weli haystaan awood ku filan isku mujiyaan lammaane ahaan oo ay ganacsatada uu soo jiitaan .
EUR/JPY waxay ku xisaabtamaysaa qiyaastii 3.93% guud ahaan mugga maalinlaha ah ee lagu kala iibsado suuqa sarrifka lacagaha qalaad, waxaana ku xiga GBP/JPY oo leh 3.57% iyo EUR/GBP oo leh 2.78%.
Inkasta oo boqolleydan laga yaabo inay u muuqdaan kuwo yar,hadana lammaanaha lacagta yar ayaa weli xisaabiya balaayiin doolar 'qiimaha mugga ganacsiga maalin kasta.
LAMMAANAHA LACAGAHA EXOTIC
qolada saddexaad oo ah exotic pairs lacagaha noocan ah waa kuwa wadamada uu dhaqaalahoodu soo korayo, sida USD/ZAR (US dollar/South African rand), USD/TRY (US dollar/Turkish lira), USD/BRL (US dollar/Brazilian real), USD/MXN (US dollar/Mexican peso), and USD/HKD (US dollar/Hong Kong dollar).
Gabagabadii
Ka hor inta aan laga ganacsan labada lamaane ee Forex, waxaa muhiim ah in la sameeyo baaris iyo falanqayn suuqa si loo ogaado fursadaha ganacsiga. Falanqaynta farsamada taso ku tacaluqda barashada jaantusyada iyo tilmaamayaasha si loo ogaado dhaqdhaqaaqa qiimaha, halka falanqaynta aasaasiga ah ay ku lug leedahay barashada dhacdooyinka dhaqaalaha iyo siyaasadda si loo ogaado saameynta ay ku leeyihiin sarifka lacagaha.
Ganacsatada guusha ka gadha suuqa forex waxay isticmaalaan isku darka labada hab si ay u sameeyaan go'aano ganacsi oo xog ogaal ah.
Comments
Post a Comment