SPREAD : waxa u yahay iyo sida u u saamayo ganacsigaaga forex?




 Hordhac

Haddii aad ku cusub tahay dunida   forex-ka, waxa laga yaabaa inaad la kulantay ereyga "Spread." Laakiin waa maxay spread?  sideese ay'u saameynayaa   ganacsigaaga ? casharkan , waxaa aynu si faahfaahsan ugu fahmi doonaa spread ka waxaana ku tusi doonaa sida  spread-ka  loo xisaabinayo!

Waa maxay spread-ku?

Marka la joogo ganacsiga sarifka lacagaha qalaad, spread waxaa loola jeedaa faraqiga  u dhexeeya qiimaha gacanta danbe (Bid) iyo gacanta hore (Ask) qiimaha lamaanaha lacagta ah. 

Qiimaha heeshisku waa qiimaha ay iibsadayaashu rabaan inay ku iibsadaan lacagta, halka qiimaha iska Ibiyayaashu uu yahay qiimaha ay iibiyayaashu rabaan inay ku iibiyaan lacagta. spread waa sida dulaaliinta forex ay lacag u sameeyaan, maadaamo lagaa  jarayo qiimaha buyers ka iyo qiimaha sellerska inta u dhexaysa 

 Halbega spread waxaa badanaa lagu qiyaasaa  waa  pips, taas oo ah unugga ugu yar ee u dhaqdhaqaaqo qiimaha  lammaanaha lacagtu  .

Tusaale ahaan, aan nidhaahno qiimahan ayaa  lagu soo bandhigaya EUR/USD 1.1000, qiimaha la buyers ku  waa 1.1005. spread-ka , kiiskan, wuxuu noqon naya  0.0005 ama 5 pips. 

spread-ku  waa uu  isbed-beddeli kara maalinta oo dhan iyad'o ayku xidhan tahay  xaaladaha suuqa, xamasada iyo  waliba dullaalka aad la ganacsato.

Haddaba sidee buu spread-ku u saameeyaa ganacsigaaga? 

Spread-ku waa mid ka mid ah khidmadaha  ka lagugu soo dalci doono  marka aad ka ganacsanayso forex, waxaadna u baahan doontaa inaad iska eegto markaad xisaabinayso faa'iidada iyo khasaarahaaga iman kara. 

Mar haddii aad wax ku iibsatid qiimihii la Ask oo aad ku iibisid qiimaha bid,  ganacsigas wax faa'iido ah kuguma jirto  sababto ganacsi waa kharashka spread-ka un .

Tusaale ahaan, haddii aad ka iibsato EUR/USD 1.1005 ka dibna aad iskaga ibiso 1.1010, waxaay ka dhigantahay inaad  ka faa'iidi  doonto 5 pips. balse Si kastaba ha noqotee, maadaama oo ay tahay inaad bixiso spread dhan  5 pips si aad u gasho ganacsiga, faa'iidada saarifkagaas  waxa u noqon doona bila macaash ama 0. Si aad faa'iido u hesho, waxaad u baahan tahay  inaad kala sarifto wax ka badan spread-ka adigoo si sax ah u saadaaliyay jihada qiimaha lacagtu u dhaqaaqi doono.

                                                          Gabogabadii
Si aad uga faa'iidaysato ganacsigaaga forex-ka, waa lagama maarmaan in aad  fahnto sida spread-ku  u shaqeeyo iyo sida loogu qaybiyo xisaabaadkaaga.
Marka la xisaabinayo faa'iidada iyo khasaaraha suurtagalka ah, ganacsatadu waa inay sidoo kale ogaadaan sida ay spreadka ugu  kala duwaan yahay dulaalintu iyo lammaanaha lacagta. Qaar ka mid ah dilaaliinta waxay kusoo dallacaan spread sare  marka loo eego kuwa kale, tani waxay saameyn kartaa kharashka ganacsigaaga. Waxaa intaa dheer, lamaanayaasha lacagta qaarkood waxay caadi ahaan leeyihiin spread  sare marka loo eego kuwa kale sababtoo ah arrimo ay ka mid yihiin xamasada, isbeddelka suuqa, iyo baahida.

Comments

Popular Posts